Jaamacadda Daaru Salaam (DSU) oo ka qaybgashay Shirweynaha Hoggaanka iyo Hal-abuurka ee Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirweynaha 6aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka (6th Leadership and Innovation Summit 2025), taariikhdu markii ay ahayd 03/12/2025,

Shirkan oo ah mid heer qaran ah, waxa kasoo qeybgalay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha kala duwan, iyo Hogaanka ugu sarreeya ee dalka, iyadoo looga arrinsanayo sidii kor loogu qaadi lahaa hal-abuurka, maamulka casriga ah, iyo horumarinta xeeladaha hoggaamineed ee waddanka.

Jaamacadda Daaru Salaam University (DSU) waxa shirka uga qeybgalay:

Agaasimaha Hal-abuurka iyo Cilmibaarista

Dr. Liban Mohamed Samatar

Guddoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada DSU

Eng. Ilyas Yakub Osman

Ka qeybgalka DSU wuxuu muujinayaa doorka Jaamacaddu ku leedahay horumarinta hal-abuurka, cilmi-baarista, iyo kobcinta hogaamiyeyaasha mustaqbalka.

Scroll to Top