Isbitaalka Kalkaal iyo Jaamacadda Daaru salaam ayaa ku heshiiyay iskaashi rasmi ah oo lagu kobcinayo caafimaadka iyo waxbarashada, laguna taageerayo ardayda, macallimiinta, shaqaalaha iyo bulshada labada dhinac.
1. Kalkaal Hospital → Jaamacadda Daaru salaam
Isbitaalka Kalkaal wuxuu Jaamacadda Daaru salaam u ballan qaaday:
40% qiimo-dhimis gaar ah oo lagu siinayo ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda adeegyada caafimaad ee hoos yimaada heshiiskan.
(Qiimo-dhimistu waxay khusaysaa adeegyada si rasmi ah loogu daray iskaashiga.)
2. Jaamacadda Daaru salaam → Kalkaal Hospital
Si wada shaqayn ah, Jaamacadda Daaru salaam waxay u ballan qaaday Isbitaalka Kalkaal:
Qiimo-dhimis waxbarasho oo loogu talagalay shaqaalaha isbitaalka,
Waxayna khusaysaa labada heer ee waxbarasho:
Bachelor-ka (Degree)
Postgraduate-ka (Master’s & Diploma-yada Sare)
Ujeeddooyinka Iskaashiga
In la yareeyo kharashaadka caafimaad ee ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda.
In shaqaalaha Kalkaal la siiyo fursado waxbarasho oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadda.
In la xoojiyo xiriirka hay’adaha caafimaadka iyo waxbarashada si loo gaaro horumar waara.
In bulshada loo abuuro nidaam isku dhafan oo caafimaad iyo waxbarasho tayaysan leh.
Heshiiskan wuxuu muujinayaa go’aan mideysan oo labada hay’adood ay ku doonayaan kobcinta adeegyada bulshada Soomaaliyeed.







