Jaamacadda Daarusalaam University ayaa ka qeyb gashay kulan wadatashi oo ay qabteen Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaas oo ku saabsanaa diyaarinta Manhajka Barashada Nabad ee Soomaaliya.
Kulanka oo qayb ka ah dadaallada lagu mideynayo fahamka iyo hab-raaca barashada nabadda, waxaa Jaamacadda u matalayey Mr Abdisalaan Ahmed Mohamoud, Agaasimaha HR-ka ahna Campus Director-ka.








