Daaru Salaam University waxa ay si joogto ah u ballaarinaysaa fursadaha waxbarasho ee loogu talagalay dadka doonaya inay helaan xirfado iyo aqoon ku waafaqsan baahida suuqa shaqada. Iyada oo laga duulayo himilada kor u qaadista tayada aqoonta iyo adeegyada waxbarasho, jaamacaddu waxay soo bandhigtay barnaamijyo Diploma oo heer sare ah, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay ardayda, shaqaalaha, iyo cid kasta oo rabta inay horumariso xirfadeeda ama ay bilowdo waddo cusub oo waxbarasho.
Barnaamijyadan waxaa lagu bixiyaa hab casri ah, oo ay ku jiraan online iyo onsite, si loogu fududeeyo dhammaan dadka daneynaya inay helaan waxbarasho dabacsan oo la jaanqaadaysa jadwalkooda shaqo ama nololeed.
Iska diiwaangeli maanta si aad uga mid noqoto dadka helaya fursaddan gaarka ah:


