Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya, Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed (Afandi). Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho, Mudane Ismaaciil Awmuuse.
Wafdiga Safiirka waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Jaamacadda Al Neelain University ee dalka Suudaan, oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.
Intii kulanku socday, Guddoomiyaha #JaamacaddaDaaruSalaam ayaa Maareeyaha Guud ku wareejiyay fursad deeq waxbarasho oo bilaash ah oo jaamacaddu ugu deeqday Maamulka Dekadda Muqdisho, taas oo qeyb ka ah iskaashiga waxbarasho iyo horumarineed ee labada dhinac.








