Guddoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada Jaamacadda Daaru Salaam, Eng. Ilyas Yakub Osman, ayaa ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay Jaamacaduhu isku dhaafsadeen xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan horumarinta waxbarashada sare. Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka doorashada maamul cusub, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii maamulkii hore.
Shirkan wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Jaamacadaha dalka iyo horumarinta nidaamka waxbarashada sare ee Soomaaliya.






