Guddoomiyaha #JaamacaddaDaaruSalaam, Dr. Osman Mohamed Hassan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo doorka jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta bulshada. Shirweynahan ayaa kulmiyey masuuliyiin, aqoonyahanno iyo hay’ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha waxbarashada dalka.





