Waxaa si rasmi ah loo daah-furay xaflad lagu kala saxiixday is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashi dhanka daraasaadka sare ah, kaas oo u dhexeeya Jaamacadda Daaru Salaam Muqdisho iyo Jaamacadda Neelain ee dalka Suudaan. Is-afgaradkan ayaa lagu xoojinayaa wada-shaqeyn cilmiyeed, is-dhaafsi aqooneed, iyo horumarinta waxbarashada sare.




