Guddoomiyaha #JaamacaddaDaaruSalaam, Dr. Osman Mohamed Hassan, ayaa ka qeyb galay madasha Tech 4 Development focum 2026, taas oo lagu falanqeeyay doorka teknoolojiyadda ee horumarinta waxbarashada, ganacsiga iyo bulshada. Ka qeybgalka Dr. Osman wuxuu muujinayaa dadaalka jaamacadda ee ku aaddan la jaanqaadka horumarka casriga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka teknoolojiyadeed.







